Posts

Showing posts from March, 2023

Aniga iyo Hargeysa!

Image
    Sawirka: Baraha Bulshada.  Faylasoofyo iyo aqoonyahanno bulsheed waxay ku doodaan in "Qofku uu yahay ina' degaankiisa", maxaa yeelay qofka nafsaddiisa, adduunaraggiisa, habfekerkiisa, iyo habdhaqankiisaba, waxaa si weyn u qaabeeya degaanka uu ku nool yahay lana noolyahay, laga soo bilaabo qoyska illaa bulshada laga soo gaadhayo. Aniga halkaa waxaa iigu jira; Burco iyo Badhan, oo ahaanshahayga iyo shakhsiyaddayda inta badan sameeyay oo qaabeeyay. Waa laba magaalo oo sababay in aan xiiseeyo, wax kasta oo xidhiidh innaga ina la leh, bilmetel, suugaanta, dhaqanka, af Soomaaliga iyo wixii la mid ah iyo sidoo kale Hargeysa oo Sidaas si la mid ah qaadhaan iyo kaashi weyn ugu darsatay garaadkayga, una qaabaysay fekerkayga iyo hab-araggayga, si kale haddii aan u dhigo waa; magaaladii aan Iska Helay, inta eraygaasi macno xanbaarsan yahay. Caasimaduhu way ka baaxad iyo dhumuc weyn yihiin magaalooyinka kale, sidoo kale way ka saxmad iyo sawaxan badan yihiin, cuf ahaan iyo dad a...

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn

Image
Turjumaaddan waxaan akhrinayaa markii labaad, sidoo kale mar ayaan turjumaad af Carabi ah ku akhriyay, labaduba aad bay u xiiso badnaayeen, waxayna iba fur iyo gudoggal u noqdeen fahankayga iyo ogaalkayga ku aaddan Hantiwadaagga, Maarkisiyadda iyo Shuuciyadda oo ah erayo inta badan isku dhowdhow dadkuna si u wada arkaan, laakiin kala duwan oo mid kasta macne u gaar ah xanbaarsan tahay. Buuggan waxaa wada qoray 1848 labo nin oo jaal ahaa; Kaaral Maarkis (1818-1883) iyo Feredrig Enjelis (1820-1895), waa labo nin oo taariikhda dunida saamayn iyo raad weyn ku leh, magacooduna uu yahay mid dunida aad looga yaqaanno, siiba Maarkis, oo malahayga in ka badan inta afkaartiisa wax laga yaqaanno, laga fahansan yahay ama laga bowsaday, magaciisa uun la cabsan yahay. Kaaral Maarkis wuxuu ahaa mid ka mid ah ragga ugu culus ee taariikhda fekerka aadanaha soo mara, wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka, qarnigii sagaal iyo tobnaad (iyo illaa imminka) ugu mugga iyo cufnaanta badan hadday tahay feker iyo s...

Tobanka Istraatiijiyadood ee lagu xukumo bulshooyinka

Image
Noam Chomsky: af yaqaan iyo Indheergarad reer Maraykan ah.  FG: Qoraalkan bilowgii waxaan ku faafiyay in uu Chomsky qoray, balse, waxaan xaqiijiyay baadhitaan dabadii in isaga loo tiirinayo ama loo xaglinayo tobankan Istraatiijiyadood ee aan anigu soo turjumay ama soomaaliyeeyay. Warbaahinta wax walba oo la soo galiyaa run ahaan looma qaadan karo, xaqiiqada dhammayska ahna in ay soo gudbinayso ka ma dhigna, kooxaha suldada ah iyo gadhwadeennabua intooda badan waxay hoosraacsadaan ajandayaashooda iyo higsiyadooda iyagoo adeegsanaya warbaahinnta iyo baroobagaandada. Labadaasi door weyn ayay ka ciyaaraan in ay sameeyaan oo qaabeeyaan aragti wadareedka, dhaqdhaqaayo iyo ururro ayaa dhulka lala jaraa, kuwo kalana waa la nooleeyaa, sicirbararrada dhaqaale iyo korukaca maciishaddana wax sahlan baa laga dhigaa, dagalladana waa la caadiyeeyaa gelitaankooda, waxaa kale oo la huriyaa oo la shidaaliyaa khilaafaadka aydhilajiyoodaha kala duwan. Qoraaga, afyaqaanka iyo indheergaradka magaciisu...