Posts

Showing posts from August, 2022

Hadraawi, mudanahayga mufekerka ahow waad hoyatay, qalbigu se si qoto-dheer u dhaawacmay

Image
WQ: Sh. Abdirahman Bashir (19 Ogosto, 2022)  WT: Cabdicasiis Daahir (20 Ogosto, 2022) Maanta way kaa sheekaynayaan sidiiyoo ay maanta ku barteen, sababtoo ah waad galbatay waadna hoyatay, dhimashada ayay lamataabtaan ka dhigayaan sidii uu xusay mufekerkii weynaa ee Soomaaliyeed (Gaarriye), waad socotay, se fekraddaadu nagama tegin, caalamkayaga waad ka maqantahay, hasayeeshee caqligaagii mugga weynaa, baaqi buu nagu dhex ahaan doonaa in badan, waad tagtay, balse maansadaada Daba Huwan aragtida ku sugan way nagu dhex sugnaan doontaa.  Way isku-maandhaafayaan, qaabka ay kuu aasayaan, halka ay dhigayaan maydkaaga, Iyo cidda ka mas'uul ah hab aasitaankaaga, waa aafada sebenkan, iyo masiibada maanka, iyo dhama'a lodkan, waxay isku khilaafayaan cantarabaqashka, waxayna illaawayaan nuxurka, oo ah kumuu ahaa Hadraawi, iyo ninkani muxuu doonayay, iyo sidee buu se u fekerayay, qorshihiisa nololeed se muxuu ahaa, ummaddiisana muxuu u qabtay? Waxaad ahayd nin ka duwan ragga, waxaad ahayd ...

Timaaddada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo geddoonka gobolka

Image
Waxaa Qoray:  Shaafici Abtidoon Waxaa Turjumay: Cabdicasiis Daahir  Hordhac Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka qaybgalo, xafladdii caleemasaarka madaxweynaha la doortay, Xasan Sheekh Maxamuud, bishan aynu ku jirno ee  Juun 09, 2022, muddo xileed kale, oo ay ka muuqatay ka qaybgal Afrikaaneed iyo Carbeed aad u ballaadhan. Tartan Maaratooneed doorasho oo ku dhowaad laba sano soo jiitamayay, ayna barbar socdeen ismaandhaaf siyaasadeed oo kakan iyo dhibaatooyin nabadeed, intaas oo lagu daray xaaladda nololeed ee dalka oo cirka isku shareeraysay, natiijo ka dhalatay aawadeed, abaar aad u daran oo ku dhowaad 7 Million oo Soomaali ah oo ku nool koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya handadaysa. Madaxweyne Sheekh Maxamuud, k u soo noqoshada qasirga madaxtooyada muddo xileed ku eeg illaa 2026, waxay ku soo beegantay, xilli aad u adag oo dalku ku jiro dhibaatooyin gudeed iyo dibedeed. Dadka qaarkood waxay ku fasirayaan in ninkaas kol kale talada dalka lagu sooro, ay ka dhigan tahay ...