Posts

Showing posts from September, 2021

Ufiirsasho.

Image
W/Q: Sh. Abdirahman Bashir  W/T: Cabdicasiis Daahir "Bakaar"  Marka aad horay fiiranayso waxa aad isku dayaysaa in aad ka fekerto timaaddada, si aad uga fekerto waxa soo socdana waa in aad akhridaa kutubta Taariikhda ah, Soyaalka ama Taariikhduna labo jaad ayay u kala baxaan; Dhacdooyin iyo Natiijooyin. Waxyaabihii dhacay iyagu way socdeen, taariikhda ayaana lagu tirinayaa, natiijada ama wixii ka soo baxay ayaa baaqi ahaanaya, oo ka mid noqonaya mustaqbalka, suuro galna ma'aha in lakala saaro timaaddada iyo tagtada. Sida oo kale ma suuroobayso in aynu taariikhda u dhugmo yeelanno innaga oo aynaan dhacdooyinka si guud u oddorasin, daraasad qoto dheerna aynaan ku samayn shakhsiyaatkii sameeyay taariikhdaas, maan galna ma'ahan innaga oon faahfaahin buuxda ka haysan afkaarihii xoog batay xilligaas, sababta oo ah nolosha gabigeeduba waa aragtiyo, ashkaas, iyo dhacdooyin. Xillguna waxba ma falo, se aadamaha ayaa saamayn ku yeesha xilliga, ka sheekaynta sabankuna waa iska ha...

Danayste¹ (Narcissistic)!

Image
   Maxay kula tahay in uu yahay danayste? Adigu se ma noqon kartaa!? Shakhsiga danaystaha ahi waa kan gebi-ahaantiisba, diida dhaliisha aad ayuuna isu-la-dhacsanyahay, wax kastana in uu isagu u gu sito ayaa ka dhaadhacsan, dadka kalena aad ayaa uu u ga hinaasaa, cidna ma oggola in ay ka sarreyso oo ka horumarto, agtiisana waxa ka soo kamkamaya islaweyni iyo is-bidid, kolka aad la dhaqmayso. Aragtiyaha dadka kalena ma aqbalo wuuna liidaa, waxa uuna rumaysanyahay in Aadamaha dhammidood ay ku qanacsan yihiin, sidaas daraaddeedna ayaad u arkaysaa isaga oo u rucleenaya in uu hanto in lagu ladho oo la huwiyo  dhood² iyo tookh, had iyo jeerna waxa aad helaysaa isaga oo qof cusub baranaya si uu u helo jamashadiisa iyo soo jiidashadiisa. Badnkana kadeed ayaa haysta oo iskuma kalsoona sidaas darteedna ayay ugu gucleenayaan in ay helaan hadal-haynta iyo ammaanta dadka kale. Shakhsiyaddani waxa ay la kowsataa dhallaanimada, natiijo xagjir ah awgeed oo ka dhalatay labada waalid hab-la...