Posts

Showing posts from December, 2024

Muuqaal: Raadkii Gumaysigu kaga tegay Dhaqanka iyo Xeerarka Soomaalida

Image
  Barnaamijkani wuxuu dhacay 18 kii Luulyo ee sannadkan sii dhammaanaya. Dibudhaca baahinta ku yimina sababo farsamo ayuu la xidhiidha. Wuxuu daarranaa wadasheekaysi ku saabsan mawduuca kor ku xusan oo aad muhiimad u leh. Waxa marti ku ahaa Dr. Guuleed Dafac, oo aynu si wadajir ah wadasheekaysi furan iyo niqaash guud oo ku saabsan mawduuca ugu la samaynnay. Laba ujeeddo ayaannu si gaar ah u beegsanaynnay, ta hore oo ah in si guud looga warramo mushkiladaha iyo eelkii gumaysigu kaga tegay Dunida Koonfurta, iyo in aynu si khaas ah uga warranno labadii gumaysi ee Talyaaniga iyo Ingiriisku dhibaatadii iyo dhitadii aynu ka dhaxalnay oo aynu ilaa hadda la tacaalayno. Muuqaalka oo dhammaystiran waxaad ka daawan kartaan, halkan, via YouTube : https://youtu.be/i2689TYgIao?si=8YOhQzNTbg-1r9Xl

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Image
Qoraalkan gorfaynta iyo faaqidaadda isugu jira waxa lagu faafiyay asalkii degelka  Geeska isaga oo cinwaan kale xanbaarsan  *** Horumarka iyo ilbaxnimada bulsho ku tallaabsataa waxyaalo kala duwan ayaa lagu qiimeeyaa oo mid kastaba keli ahaantiisa mudnaan goonni ah u leeyahay. Waxa xusid mudan erayga horumar in uu fogaan kala duwan leeyahay oo uu taabto laamaha kala duwan ee aqoonta, sida, dhaqaalaha, cilmiga bulshada, cilmi nafsiga, qaanuunka iyo kuwa la halmaala, oo majaal kasta kolka la joogo si gaar ah loona qeexo. Kolka aynu qiimaynayno bulsho horumar in ay ku tallaabsatay iyo in kale waxa asaasi ah oo dabiici ah in laga eego heerka noloshoodu halka uu taagan yahay: tacliin ahaan, tiknoolaji ahaan, dhaqaale ahaan, iyo wixii soo raaca. Kolkaa qeexitaanka bulsho horumartay hal wax uun ku ma salaysna ee waxyaalo kala duwan oo wada socda ayaa lagu beegaalaa. Sida ay faylasuufyo badan ku doodaan bulshada horumar iyo horusocod ku tallaabsatay waa in ay tahay bulshada caddaala...