Posts

Showing posts from October, 2024

Maalinta Caafimaadka Dhimirka

Image
Maaddada cilmi nafsigu waxay ka mid tahay sida laga dheregsan yahay maaddooyinka si toos ah u taabta oo u la falgala nolosheenna iyo dabeecadda inagu xeeran. Waxay inta badan isku daydaa in ay ka jawaabto weyddiimo la halmaala sida aynu u fekerno, sida uu habdhaqankeennu yahay, iyo masalooyin ku saabsan dareennadeenna. Sida ay isugu xidhan yihiin culuunta bulshadu iyo aadanuhuba, waxay xidhiidh la leedahay majaallada kala duwan ee culuuntaas. Ha ugu horrayso aqoonta dhaqaaluhu e. Aad bay isu taabtaan oo jidad kala duwan ugu kulmaan in badan. Waayo labaduba waxay ka warramaan QOFka iyo QOFAFka. Waxana lagu doodaa in bedqabka jeebku iyo bedqabka nafsadda xidhiidh ka dhexeeyo. Sida caadiga ah waa adag tahay in qof sabool ahi ka bedbaado xaalado nafsadeed iyo/ama dhimireed.  Cilmiga dhaqaalaha oo udubdhexaad u ah aadanaha, ilaa haddana lagu derso masalooyinka ay ka mid yihiin aadanaha dhaqaalahee baa u cuntama u saamixi kara in ay horusocod gaadhaan, isla jeerkaasna dhaqaalayahannadu a...