Falanqayn Akhris; sheekada Maana-faay

Marka ay kulmaan curin jaadgoonni ah, hodontinnimo afeed figta sare ah; dareennada aadanaha ee kala duwanna si sahlan loogu falkinayo, naqdin bulsheed oo aad u xeeldheer, iyo soo ururinta/lafaggurka shaacsaneyaal kala geddisan oo bulshada ka aloosan; waxaad si fudud u soo tuuraysaa in intaasba iyo in kale oo badanba aynu ka dheehanayno oo aynu kala dhexbaxayno sheekada "Maana-Faay" ee Dr. Maxamed Daahir Afrax. Sheekada Maana-Faay waa sheeko-taariikheed (historical novel/رواية تاريخية), waxay kolkii hore si joogto ah ugu soo bixi jirtay iyada iyo sheekooyin kale ay ka mid tahay "Ayaan Daran" hab taxane ah wargeyskii Xiddigta Agtoobar. Sida Ibraahin Hawd oo ka mid ahaa akhristayaashii ku taxnaa waagaas sheekooyinka uu wargeysku daabici jiray, wuxuu xusay in ay ahayd sheeko xiise iyo xamaasad weyn u lahayd dhallinyaradii ku xidhnayd. Wuxuu kale oo carrabaabay, in ay madadaalo iyo wacyi kobcin u ahayd kumanyaal dhallinyaro ahaa oo ku taxnaa. Daabacaddeedii kowaadi wax...