Posts

Showing posts from September, 2023

Lamahuraannimada Hantiwadaagga¹

Image
Sawir dhuxuleed iyo biyabiyeedkan waxa aslay Alexander Dobkin (1908-1975) oo ahaa farshaxamiiste reer Maraykan ah.  W/Q:  Albert Einstein (1949) [Af Ingiriirsi] W/T: Cabdicasiis Daahir (2023) [Af Soomaali] Miyaanay  suuragal u ahayn  qof aan  xeeldheere ku ahayn  dhaqaalaha  iyo  arrimaha  bulshada in uu uga  dhiibto  aragtidiisa ku aaddan mawduuca hantiwadaagga? Waan  qabaa  dhowr  sababoodba aawadood.   Ugu horrayn  tixgelinteenna  weyddiintan  aynu  kaga nimdaadno  dhanka aragtida  aqoonta sayniska ah. Waxay  u  muuqataa  in aanu  jirin  kaladduwanaansho manhajiyeed  asaasi ah oo u dhexeeya  cilmi-falagga iyo dhaqaalaha: saynisyahannada  labada dhinacba  waxay isku deyayaan  in ay  daaha-ka-feydaan  xeerar guud  oo la aqbali karo,  jeerkaasna ku xaddidan  koox shaacsanayaal ah,  si iskuxidhka sha...