Posts

Showing posts from April, 2023

Fanku Ma Awoodaa in uu Abuuro Dhaqdhaqaaq Kacdooneed?

Image
    W.Q: Hinda Mascad [af Carabi] W.T: Cabdicasiis Daahir [af Soomaali]   Waxaa jira had iyo jeeraale wayddiin xidhiidh la leh funuunta iyo daneeyayaashiisa ama tuhun ah. Taas oo ah; danaynta fanku in ay tahay madadaallo dheeraad ah oo aanu awoodin in uu kharashkeeda bixiyo saboolku, gaajaqabuhu iyo baahiqabuhu. Iyo  in daneeyayaasha funuuntu ay yihiin labeen bulshada ka mid ah oo soo afjaray dhammaan dhibaatooyinkii nolosha illa ay u soo hadhay danayntaas uun. Maxay nuxur samaynaysaa in la daneeyaa funuunta, caalam uu 15 kii ilbidhiqsiba gaajo u dhimanyo ilmo caruur ah?  Waa maaxayse inta ay le'eg yahay culayska isbeddelka bulsheed ee aynnu ku xisaabtami karno in fanku ka danbeeyo?  Wa'ayo se kan yidhi fanku wuxuu badbaadinayaa caalamka?   Waa dhowr wayddiimood oo si caadi ah loo wayddiiyo daneeyayaasha funuunta, farshaxan ha ahaato ama yaysan ahaan e. Jawaabcelinta wayddiimahaasina waa mid dhibaato miidhan, hasayeeshe fahanka dabiicadda awoodeed ee...