Posts

Showing posts from December, 2022

Quraanka Rajmin ku ma Qorna

Image
W.Q: Cisaam Taliima  W.T: Cabdicasiis Daahir  Wuxuu ciwaan u yahay buug xajmi ahaan yar, hasayeeshee ku diiradaysan qoraalkiisa, oo uu soo saaray Digtoor Mustafa Zalami, mid ka mid ah culamada Ciraaq ee kulansaday deraasaynta fiqiga Islaamka iyo qaanuunka, sidoo kale wuxuu ku tiiqtiiqsaday dhexgelidda usuusha fiqiga Islaamka, wuxuuna ka qoray xagalahaas buugaag door-roonaantooda leh, sida kan; Quraanka Rajmin kuma Qorna. ***** Keliyaysiga Zalami Mawdduuca buuggu wuxuu ku saabsan yahay xadka rajminta, iyo doodda ku aaddan. Waxaana gorfeeyay mawdduucan tiro culamada xilligan ka mid ah, aragtiyahoodana way ku kala duwanaadeen, badankood waxay u arkaan in uu ka mid yahay xadka ay tahay in la dhaqangeliyo, koox kalana waxa u muuqatay edbin [تعزير] keli ah, arrinkana xaakinka ama garsooraha faraha looga qaado, haddii uu doono ha dhaqangeliyo, haddii kalana yaanu dhaqangelin, iyo qolyo kale oo iyaduna u aragta in la tirtiray [ama la nasakhay], oo lagu kaaftoomi karo keliya wixii ...