Posts

Showing posts from October, 2022

Aqoonyahankii wuu hoyday, balse aqoontii way hadhay!

Image
Yuusuf al Qardaawi (1926-2022) Soddon guuro ama in yar ka badanba, waxaan bartay buugaagta Sheekh Yuusuf al Qardaawi Eebbe ha u raxmadee, dhammaantoodna waan akhriyay, ama ugu yaraan badankood, waan la noolaaday, lana falgalay afkaartiisa , sheekhana waxaan ka helay wixii iga lumay ee fiqi iyo fekerba ah, waxaanan jaal la noqday waxsoosaarradiisii, iskabadaa'e, waxaan caashaqay buugaagtiisii, fiqigiisii, iyo fekeradihiisiiba, mana jirin aqoonyahan iiga dhow sheekhiisii, Sheekh Maxamed al Qasaali mooyaane, Eebbe ha u naxariistee, kaas oo aan naftayda ka helay fekradihiisa, laga bilaabo wakhtigaas ma soo saarin buug ama dhambaal illaa waan akahriyay, bal'e waan deraaseeyay, buugtiisana in ka badan hal mar waan akhriyay, qaar ka mid ah buugaagtiisuna waxyba ii noqdeen raadraacyo sees ah oo baadhitaanka ama daraasadaha kolka aan qorayo, ama khudbadaynayo, ama muxaadaraynayo, aan xigto, buugtiisu waxay udub dhexaad u ahaayeen magtabaddaydii cammirnayd ee Jabbuuti, Eebbe Mahaddii. W...