Fahamka Isbeddelka

W.Q: Sh. Abdirahman Bashir W.T: Cabdicasiis Daahir Kownkan aynu guudkiisa saarannahay isbaddelku waa weydiin door-roonaanteeda leh, waana sababta ay u jiraan ururrada, dowladaha, iyo falsafadda tarbiyadda iyo waxbaristuba. Horumarkasta ka horna, isbeddel waa in uu jiraa, hore-u-socodkuna waa xeelad, isbeddelkuna waa howlgal istaraatiijiyadeed. Si guud isbeddelku laba ayuu u kala baxaa Isbeddel Togan, iyo Isbeddel taban, maanshiilladuna waxa ay tibaxaan in deggenaanta ama isbeddel la'aantu aanay ka mid ahayn tilmaamaha iyo astaamaha nolosha. Isbeddelkuna isaga ayaa ah seeska nolosha. Isbeddelka togani waa kan aadamuhu guntiga dhiisha iskaga xidho qorshayaal iyo yoolalna uu u dejisto, una gucleeyo sidii uu uga gun gaadhi lahaa isbeddelka caynkaas ah waxaa lagu tilmaamaa (Isbeddel Togan). Se kan taban waa kan aanu uu ordin badankana lid ayuu ku yahay jaadkaasna Qur'aanku waa uu diiday in uu xidhiidh ka dhexeeyo, waxaana jira isbeddel hore loo kacayo iyo mid gadaal loo so...