Maxaad haysataa!?

Waxba! Warcelintan iyo kuwa kale oo fara badan ayaa maankaaga ka guuxaya se weydiintaas warcelinteeda maqaalkaan kooban ka dheeho.. Hantida dahabka ka qaalisani ee uu haysto uumiyaha dunidan ku uunkani waa wakhtiga, qiimona waxa uu ku yeesha wakhtigu sida looga waxtaransado ammaba loo maal-gashto, sidoo kale in aadame in uu saamayn iyo raad ballaadhan ku yeesho dunidan oo la maamuuso waxa ay ku xidhantahay habka ama qaabka uu ammintiisa u maareeyoo oo aanuu u dayicin. Haddii aan isku dayo qeexitaanka wakhtiga ammaba xilliga; waa howl gal aynaan wax saamayn ah ku yeelan karin ka aadame ahaan, ma horumarin karno mana dib dhigi karno, ma keydin karno waxna kama bedellan karno. Waxa uuna ka kooban yahay saddex (3) waaxood oo kala ah; Tagto (Past), Taagan (Present), Timaaddo (Future). Tagtada wax kama bedelli karno, timaadadana waxba kama qaban karno se taaganta ayaynu maamulkeeda, jiheynteeda iyo ka midho dhalin-teeda saamayn baaxad weyn leh ku yeelan karnaa. Shaqayste iyo ma shaqayste b...